Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sh.Axmed, ayaa ra’iisal wasaaraha Itoobiya ugu baaqay in faraha kala baxo arrimaha Arrimaha Soomaaliya iyo sidoo kale Somaliland.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si kulul uga hadlay Ciidanka Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn Amisom ee ku sugan Soomaaliya.
Shariif ayaa ku baaqay in Ciidankaasi si deg deg ah looga saaro Soomaaliya islamarkaana lala xisaabtamo dhibaatooyinka ay geysteen.
“Waxaan la socnaa ciidamo aan ka tirsaneyn AMISOM ay Dowladaha deriska leeyihiin oo marwalba soo gala dalka ama jooga, geystana dembiyo, arintaas waa arin ka soo horjeeda heshiiska ay ku joogaan ciidamada AMISOM, keeneysana kalsooni darro in lagu soo dhex daro ciidamo aan ka tirssaneyn oo aan sharci ku joogin ciidamada AMISOM” ayuu yiri Shariif.
Waxaa uu intaasi kusii daray” waxaan ugu baaqeynaa ciidamadaas in si deg deg ah looga saaro dalka, falalka ay geysteena lagu xisaabiyo oo sharciga la hor keeno.”