Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee isku diyaarinaya Imtixaanaadka sanad dugsiyeedka ee sanadkaan.
Wasiir ayaa waxa uu ardayda kula kulmay haboka casriga ah ee dhanka Internetka ee loo yaqaano Zoom-ka.
Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu arday Soomaaliyeed uga mahadceliyay dadaalada faraha badan ee ay u galayaan waxbarashadooda isagoo ku bogaadiyay in ay sii laba jibaaraan.
Sanadkaan ayaa waxa uu ka duwan yahay sanadihii hore maadaama guud ahaan la fasaxay goobihii waxbarashada dalka sabab la xiriirta cudurka Safmarka ah ee Coronavirus oo laga helay dalka.