Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KG Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa Maanta Si rasmi ah Baydhabo ugu dahafureyay Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.
Waxaana Kusimaha Madaxweynaha dahafurka Imtixaanka ku wehlinaayay wasiiro, Xildhibaano ,Agaasimiyaasha Guud ee wasaradaha KGS Iyo Mas’uliyiin kale.
tirada Ardeyda Maanta Imtixaanka ufadhistey ayaa ah kudhawaad 3,500 oo ardey waxana uu ka qabsoomey 3-degmo ee ka mid ah KGS Baydhabo, Af-gooye ,iyo Marko.
kusimaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka KGS Amb.Dr Ali Said Faqi oo Si rasmi ah ufurey imtixaanka ayaa Ardeyda Deeganada KGS qaarkood maanta usuuragelin in ay u fadhiistaan imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ku dhiira geliyay in xal laga gaari doono .