Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo goordhaw khudbad kooban u jeediyay Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay arimo dhoor ah ay ugu muhiimsaneyd shirka ka dhacaya Dhuusomareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaana xildhibaanada uga warbixiyay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo qodabadii kasoo baxay, waxa uu sidoo kale ka hadlay shirka la filayo in mar kale uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in maanta oo tahay 15-ka bisha Agoosto lagu balan san yahay in Dhuusomareeb ku shiraan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada si looga arinsado hanaanka doorashada.
โMaanta oo 15 Agosto waxaa lagu balansan yahay in magaalada Dhuusamareeb lagu noqdo si looga wadatasho hannaanka doorashad, si shacabka awoodda loogu celiyo Xildhibaannada u soo doortaanโ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaanada golaha shacabka ay wakiil ka yihiin maamul goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in goโaan kasta ay golaha shacabka gaaraan aan laga hor imaan karin.
Waxa uu Madaxweynaha u sheegay Xildhibaanada golaha shacabka in shirka Dhuusomareeb ka dhacaya heshiis walbo oo kasoo baxa ay dib ugu soo celin doonaan Golaha shacabka si kaalintiida dastuuriga ah uga qaataan .
Madaxweyne Farmaajo โwaxaa idin caddeynnaya heshiis walba inaan halkan ku soo celiyo heshiis walba oo aan la gaarno dowlad goboleedyada, si kaalintiina dastuuriga ah aad uga gaartaanโ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Khudbada uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka oo aheyd mid kooban ayaa laga dareemi karay sida uu Madaxweynaha u rabo in doorashada dhacaysa noqoto qof iyo cod si taa u hirgashana dowladiisa mudo kororsi loo sameeyo