Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta waxaa uu Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kula kulmay Culimada degaannada Koonfur Galbeed.
War kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo fulinaya hanaqadka Dowladnimada Deeganada Koonfur Galbeed sidii ay uga qeyb qaadan la hayeen uu culimada ula kulmay.
Madaxweyne laftagareen iyo Culimada ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii ay Culimada Gacan uga geysan lahayeen Doorkooda ku aadan Hormarka iyo Xasiloonida degaanada Koonfur Galbeed.
Magalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa dhawaan ka dhacay faraxumeyn loo geystay laba Carruur ah, iyad aoo laba rag ah oo lagu eedeeyay la toogtay,waxaana Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed ay bilaawday inay Culimada kala hadasho ka hortagga arrimahaasi oo kale.