Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta khudbad ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.
Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland, dhinacyada amniga , siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka dowliga ah iyo horumarka socda.
Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu Aqalka Sare uga warbixiyay marxalada dalku marayo, Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka Puntland ku bixinayso in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare, Mowliid Xuseen Guhaad, Xubnaha Golaha joogtada ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Warning: mysqli_insert_id() expects exactly 1 parameter, 0 given in /homepages/2/d700712427/htdocs/universaltvsomali.net/includes/error_handling_include.php on line 51