Ka dib markii xiisad laga dareemay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta la geeyay ciidamo kala duwan.
Xiisadda ayaa ka dhalatay laba qof oo rayid ahaa oo maanta lagu dilay magaaladaasi, ka dib markii lagu rasaaseeyay maqaaxi ay fadhiyeen.
Dilka dadkaasi oo salka ku haya aanooyinka xagga qabaa’ilada ayaa walaac ku abuuray bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Ciidamadan oo isugu jiray Boolis, Nabadsuggid iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad ayaa laga diray Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona gelinkii dambe ee maanta gaaray Caabudwaaq.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa lahaa amarka ciidamada lagu geeyay Magaalada Caabudwaaq.
Ciidan isku dhaf ah oo la geeyay Magaalada Caabudwaaq
previous post