Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii xilka laga qaaday, waxuu xalay Muqdisho kula kulmay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu xalay ka raali geliyey weerarkii gurigiisa lagu qaaday 2017-kii, intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa.
Cabdiraxmaan Cabdshakuur ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay xilligaas hoygiisa ka geysteen dil iyo boob, waxayna xalay isaga iyo Kheyre ka wadahadleen, wixii dhacay xiiligaas iyo tabashada siyaasiga.
“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay, waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa” ayuu Xasan Cali Kheyre ku soo qoray bartiisa Facebook.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan ayaa xaqiijiyay warka kasoo baxay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo sheegay inuu raali gelin ugu tegay isaga.
Candiraxmaan ayaa sheegay in Kheyre uu raali gelin ka bixiyey weerar 2017-kii lagu qaaday hoygiisa.
“Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017” ayuu qoraalkii ku yiri.
Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay.”