Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Wafdi hor dhac u ah R/wasaare Rooble ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga R/wasaare Rooble ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb.
Marka uu tago R/wasaare Rooble magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu kulamp la qaato madaxda maamul goboleedka Galmudug, isagoona kala hadli doono arrimaha doorashooyinka.
R/wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu Magaalada Garoowe kulan kula lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana la sheegay in kulamadaas aysan wax natiijo ah kasoo bixin, sidoo kalena xalay uu ka baaqsaday Casho Sharaf ay u sameysay Madaxtooyada Puntland.
Labada dhinac kulamadi ugu dambeeyay ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday Puntland inay soo Magacaabaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad-goboleed, balse Madaxweyne Deni ayaa ku adkaystay in marka hore laga hadlo arrinta gobolka Gedo iyo Doorashada Xildhibaannada Somaliland ee DFS, waxaana taasio ay keentay in maanta uu soo geba-gabeeynayo ra’iisul wasaaraha booqashada u ku joogay Garoowe