Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta gaaray caasimada Jabuuti.
Kulankan ayay labada dhinac uga wadahadleen arrimo muhiim aho o ay ka mid ahaayeen isu-socodka dadka iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale waxaa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada.
Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo weftigiisa ayaa waxa ay ku joogaan dalka Jabuuti booqasho qaadan doonta maalmo, waxa ayna booqan doonaan xarumo dowladeed iyagoo sidoo kale la kulmi doona masuuliyiin kale.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa marar badan booqasho tan oo kale ku tagay dalka Jabuuti, waxaana dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Geelle kamid tahay dowladaha taageera in wadahadlaan Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.