Dowladda Kenya ayaa waxay soo dhaweysay Warbixinta guddiga Xaqiiqo raadinta ee uu aasaasay madaxweynaha Jabuuti lsmaaciil Cumar Geelle, guddigaas oo ku shaqeynayay waajibaadka IGAD.
Dowladda Kenya waxay sheegtay warbixinta guddiga in ay cadeynayso xaqiiqda ah in gabi ahaanba aysan sal lahayn eedeymaha dowladda Soomaaliya u soo jeedisay Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hor timid warbixinta guddiga, waxayna ku tilmaamtay mid aan xaqiiqada ka turjumayn.
Dhinaca kale, wasiirka difaaca Kenya, Monica Juma, ayaa sheegtay in ciidamada Kenya aysan marnaba kaga bixidoonin Soomaaliya xiriirka aan wanaagsanayn ee kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.
Hadalkaan ayay ka sheegtay kulan ay maanta la qaadatay Xoghayaha Arimaha Dibada ee UK Ben Wallace oo ka qeyb qaatay furitaanka xerada tababarka ciidamada Nyati ee magaalada Nanyuki.
“Bixitaanka ciidamadeenu waa waajibaadka Midowga Afrika oo ah hay’adda oggolaanshaha bixisa. Annaga ma ahan inaan go’aansano goorta aan soo gelayno ama ka baxno, ” ayay tiri Juma.