Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar hoobiyaal ah ku qaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasi uu ka socda shirka wadatashiga ee u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.
Xalay ayay Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa ay weerareen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga, waxaana ku baxay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb, kuwaasi oo sheegay in ay soo afjareen dagaalkaasi ay soo qaadeen Al-shabaab.
Wasiirka amniga Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka hor tageen weerarkaasi, ayna khasaaro gaar siiyeen dagaalamyaashii weerarka soo qaaday, waxaa uu intaa ku daray in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mid xubnihii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kalana gacanta ku dhigeen Gaadiid, Hoobiyaal iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen weerarka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan Al-shabaab oo nolosha ku qabteen, waxaana xaaladda Magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid daggan, waxaana uu sheegay Axmed Macalim Fiqi in gabi ahaanba ay soo afjareen weerarkaasi isla xalay.
Magaalada Dhuusamareeb e Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa hadda ka socda shirka wadatashiga ee u dhexeeya Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada dalka, waxaana horay Al-shabaab ay duqeymo kaga fuliyeen Magaaladaasi.