
Raβiisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulanka oo ka dhacay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho ayaa horudhac u ahaa Shirka Wadatashiga Qaran, ee lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.
βRaβiisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo Muqdisho soo gaaray iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ka hor furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.β Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raβiisal Wasaaraha.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Hirshabelle, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Jimcaha la filayaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.
Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay illaa iyo hadda inaanu jirin wax caqabad ah oo Xafiiska Raβiisal Wasaaraha ka haysta qabsoomidda shirkaasi, wax kastana ay u socdaan, sidii loogu talagalay.
Afhayeenka ayaa tilmaamay inaanu jirin xal kale oo Somaliya u furan, aan ka ahayn in dalka uu doorasho aado, Madaxdana looga baahan yahay inay isu tanaasul muujiyaan.
βRuntii rajo weyn ayaa jirta markan, maadaama xal kale oo u furan Somaliya aanu jirin, oo ah in doorasho la aado, Madaxduna ay muujiyaan isu tanaasul.β Ayuu yiri Macalimuu oo la hadlay BBC.
Raβiisal Wasaare Rooble ayaa shir guddoomin doono shirka lagu wado in Madaxda Soomaalida ku dhameystiraan hannaanka doorashooyinka ee dalka.









