Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas.
Samsam ibraahim Cali ayaa noqotey xildhibaankii ugu horeeyey Aqalka sare loo doortey koonfur galbeed 4 sano ee soo socota, iyadoona heshey 81-cod, waxaana la tartantay Shariifo.
Senator Samzam ayaa horay uga mid ahayd golaha Aqalka Sare ee waqtigooda dhammaaday, dib ayaana maanta loo doortay.
Dhanka kale Haweeyneedii labaad ee ku soo baxda doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqotay Ayaan Aadan Cabdulaahi, taas oo ka socoto magaalada Baydhabo si gaar ah xarunta ay ku shiraan golaha wakiilada dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.
Senotar Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa heshay codod gaaraya 79, halka Farxiyo Nuur Aadan oo la tartantay ay heshay 8 cod.