Maamulka Puntland ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horeeyay ee ka hadla xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa hogaanka ugu sareeya dalka.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamintiisa xilliga kala guurka, Hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay Adduunka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta qaaday tallaabo lama filaan ah oo ku saabsan mas’uuliyadda ka saaran hagidda maamulka dowladnimo ee xilliga kala guurka.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii xalay uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu ugaga joojinayo xukuumada inay gasho heshiisyo.