Baarlamaanka Maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa doortay saddax xilldhibaan oo ka dhinaa xubnaha aqalka sare Koonfur Galbeed ku matalaya Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Tirada guud ee Sanatarada laga rabay dowlad goboleedkaasi oo ahaa 8 xubnood ayaa haatan la dhameystiray, waxaana sidaasi ay Koofur Galbeed ku noqonaysaa maamul goboleedkii labaad ee wada doortay dhammaan xilldhibaanada golaha aqalka ku matali doono.
Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Cali Sheekh Maxamuud Gacal & Cabduqaadir Cabdi Axmed , waxaana ku guuleystay Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay 68 cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 22 cod.
Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa loo doortay kursigii 8aad ee Aqalka Sare isagoo helay 68 cod halka Musharixii la tartamey ee Cabdullahi Roobow Maxamed uu helay 18, waxaana halaabay laba cod.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay maamulka Puntland ooh al Maalim doortay dhamaan 11 kursi ay ku leeyihiin Aqalka Sare.