Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabele ayaa sheegaya in lagu weeraray bam guri ay degenaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerarka bambaanada ah uu ku dhaawacmeen saddex ka mid xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.
Bamka kadib ayaa la maqlay rasaas badan oo ay fureen qaar kamid ah ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar oo halkaas ilaalo ka hayay.
Saddexda xildhibaan ee ku dhaawacantay weerarkan bambaanada ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Maxamed Muuse,Duwane Faarax Cali iyo Cismaan Cabdulaahi Dhoore.
Wararka oo weli soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in halka bamka lagu tuuray ay tahay xaafad ay si weyn u degen yihiin musharaxiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka ayna ka fogeyn hotelada waaweyn ee magaalada.
Magaalada Jowhar ayaa isku diyaarineysa doorashada Senatarada Aqalka sare oo maalmaha soo socda, iyadoo magaalada ay buux dhaafiyeen Musharaxiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo qeyb ka ah ololaha loogu jiro Doorashada Aqalka Sare.