Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay maanta kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka sheegay kulankan inuu ka xunyahay in xaalad siyaasadeed ay ka dhalato dalka xilli lagu jiro arrimaha doorashooyinka;
“Waxa aan aad uga xumahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Waxaan xaqiijin doonnaa inaan dadaal ku bixinno ka hortagga iyo maareynta xiisadda si xilkasnimo iyo miyir leh.”ayuu yiri Rooble.
Khudbadiisa ayuu rajo uga muujiyay in xiisada jirta lagu xalin doono si nabad ah.