Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxames Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Gaana Mudane Nana Akufo-Addo.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Gaana.
Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa u tegay ka qeyb galka shir sanadeedka Midowga Afrika ayaa kulamo doceedyo kala duwan la yeelanaya Madaxda Midowga Afrika ee shirkaasi ku sugan.