Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka u ambabaxay dalka jamhuuriyadda Jabuuti.
Safarka madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa muddo maalmo ah qaadan doona, waxana wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsa dalkaas, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.