Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray written by Warsan Radio 31/07/2022 Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Faysal Sheikh Cali iyo Xubno la socda oo safar shaqo ku jooga Degmada Galdogob ayaa Shir dhinaca Amniga ah la qaatay Masuuliyiinta iyo Laamaha Amniga Gobolka Doollo.Shirkan looga hadlayey dhinacayada Amniga iyo wadashaqaynta ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob iyo ku xigeenkiisa, dhinaca Gobolka Gudoomiyaha Gobolka Doollo Mubarak Axmed Maxamed, Taliyayaasha Dhinacyada amniga iyo Siyaasada Gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana inta uu socday Kulanka masuuliyiinta Gobolka Doollo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejisay gaari horay looga dhacay Degmada Gaalkacyo.Shirkan oo saacado socday ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka looga hadlay arrimo badan iyo heshiis dhanka amniga oo ay wada gaareen labada dbinac, kaas oo ah.In la xoojiyo wadashaqaynta dhinacyada Masuuliyiinta Gobolada Doollo iyo Mudug.is waydaarsiga xogaha dhinacyada amniga ee Laamaha Amniga Gobolka Mudug iyo Doollo.isu soo qabashada dadka ukala baxsada Gobolada Mudug iyo Doollo ee isugu jira Tuhunsanayaasha iyo Eedaysanayaasha si loo ilaaliyo Amniga BulshooyinkaJoojinta iyo la dagaalanka Maandooriyaha oo ay xaaran tinimaysah Diinta islaamka kaa oo ka soo gudba dhinaca Gobolka Doollo dhibaatana ku ah Xasiloonida iyo Nabada Bulshada Deegaanada.In dib-udayactir lagu sameeyo dhinacyada isgaarsiinta xuduudaha labada Gobol si ay ufududaato helida Xogaha Amni. Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray was last modified: July 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen You may also like Dacwaddii muranka badda ee Somalia iyo Kenya oo mar kale dib loo dhigay 20/05/2020 Ciidamo ka amar qaata Saciid Deni oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland 17/12/2023 Sacuudi Arabiya oo ku baaqday in mowqif midaysan oo Islaami ah laga qaato gardarada Israel ku hayso dhulka reer Falastiin 17/06/2020 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 26/04/2017 Taliye kuxigeenkii Ciidanka Somaliland oo u goostay dhinaca xoogagga SSC 04/06/2023 Dowladda Federaalka oo ka Warbixisay khasaaraha ka dhashay Howlgal culus oo dhacay 16/02/2023 Mareykanka oo gacanta ku dhigay shidaal malaayin dollar ah oo ay Iran leedahay 15/08/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 16/11/2021 Hindiya oo askar looga dilay dagaal ka dhacay xadka ay la leedahay Shiinaha 17/06/2020 DAAWO SAWIRO:- DOORASHADII GUDDOONKA ISBOORTIGA EE DEGMADA XUDDUR KA DHACADAY>> 20/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.