laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen written by Warsan Radio 31/07/2022 Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida Gobolka Banaadir & Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad ayaa xalay howgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay Guud ahaan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku bateen falalka amni darro.Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole iyo Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge ayaa waxaa lagu soo qabtay Qamri farabadan oo ah Kan dalka dibaddiisa laga keeno, Calaq oo dalka lagu farsameeyo, Xashiish, Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen.Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Goofjooge oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka dadka lagu qabtay baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono, isla markaana cid kasta oo lagu helo inay qeyb ka aheyd amni darrada tallaabo laga qaadi doono.Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaan uu noqon doono mid si joogto ah looga sameyn doono Magaalada Muqdisho si Amniga Magaalada loo hagaajiyo, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay yihiin kuwo ku dhuumanaya Guryaha, wuxuuna Shacabka uga digay inay qariyaan, isaga oo sheegay in qofkii qariya uu lamid yahay dambiilaha.Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay noqotay mid amnigeeda bilihii la soo dhaafay aad looga deeyrinayay,waxaana Kooxo Burcad ah iyo Ciyaal weero ay dad badan kudileen kuwo kalena ay taleefoono ka qaateen. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen was last modified: July 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray next post Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux You may also like Guddiga doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka oo doortay guddoomiyaal 05/12/2020 video Kusimaha Madahaweynaha Maamulka KG Aahana Wasiirka Beraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Maant 18/05/2017 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg 20/06/2018 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/06/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Muqdisho 18/05/2022 Dhageyso:-Ciidamo iyo dad shacab oo duleedka Wanleweyn lagu laayey, 09/11/2017 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/07/2020 Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay qaraxa iyo weerarka lagu qaaday hotel Elite ee Muqdisho 17/08/2020 Midowga Musharaxiinta oo Afar qodob ka soo saaray kulan ay maanta yeesheen 29/08/2021 Dhageyso: Barnaamijka Bandhiga Idaacada Warsan 03/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.