Maleeshiyaad hubeysan ayaa wear jidgal ah waxaa ay ku qaadeen laba Gaari oo ay saarnaayeen dad Shacab ah xilli ay marayeen degaan u dhaxeeyo degaannada Dhabad iyo Qabalaha Furinta Foore ee Gobolka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay weerarkaan Gaadiidka lagu rasaaseeyay ayaa waxaa kudhintay hal Ruux halka laba qof oo Haweeneey Uur leh ay kujirto ay ku dhaawacmeen, iyada oo maleeshiyaadkii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaan uu salka ku haayo dagaalo aanooyin qabiil ah ,kuwaas oo degaannada weerarka uu kadhacay kusoo laab laabtay.
Saraakiil katirsan laamaha Amniga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay ku raadjoogaan maleeshiyaadkii dhibka geystay, Isla markaana hadii la qabto tallaabo laga qaadi doono.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa degaannada Galmudug waxaa kusoo batay dagaal Beeleedyada iyo dilalka aanooyinka qabiilka, hayeeshee Maamulka Galmudug uu ku fashilmay waxka qabashada colaadahaas.