Nin Soomaali ah ayaa Jimcihii la soo taagay Maxkamad, iyadoo loo haysto saddex qof oo lagu dilay dhowr kalena lagu dhaawacay weerar tooreey ah oo ka dhacay Koonfurta Jarmalka bishii June ee la soo dhaafay.
Ninkaan ayaa dacwad lagu soo oogay si loo go’aamiyo in uu maskaxda ka xanuunsan yahay iyo in kale, waxaana maxkamadda ay doonaysaa in ay ogaato xaaladdiisa caafimaad.
Baarayaasha ayaa rumeysan in ninkan uu maskaxda ka bukanaa markii uu weerarku ka dhacayay magaalada Wuerzburg, sidaas darteedna ay maxkamaddu loo baahan yahay in ay caddeyso..
Waxaa lagu eedeeyay dil, isku day dil iyo weerar culus, Qareenka difaacayay, Hans-Jochen Schrepfer, ayaa sheegay in tuhmanuhu uu la ildaran yahay xaalad nafsi ah .
Weerarkaan ayaa ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taal Barbarossaplatz, oo ku taal bartamaha magaalada Bavarian, Juun 25, 2021. Dhibanayaasha ayaa ahaa saddex dumar ah oo da’doodu kala tahay 24, 49 iyo 82.
Afar kale oo haween ah ayaa dhaawacyo halis ah soo gaareen, iyadoo ay la socdaan gabar 11 jir ah oo xilligaasi jirtay iyo wiil 16 jir ah. Saddex qof ayaa qaba dhaawacyo fudud. Eedeysanaha oo ahaa qaxooti ku noolaa Wuerzburg tan iyo 2015-kii, ayaa la xiray ka dib markii laga toogtay bowdada, sida ay booliisku sheegeen.