Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni written by Warsan Radio 15/05/2022 Codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka billaabatay Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay u tartamayaan in ka badan 30 musharax.Waxaa musharaxiinta ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa furay doorashada, isaga oo sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan. Haddii musharaxa afaraad iyo shanaad ay isku cod noqdaan, waxay labaduba u gudbayaan wareegga labaad.Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.Ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayaa sugaya amniga goobta ay doorashadu ka dhaceyso, waxaana caawinaya ciidamada booliska Soomaaliya.Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya. Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni was last modified: May 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalo katirsan Mareykanka next post Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo u soo gudbiyay wareegga ugu dambeeya You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnim ee Idaacada Warsan 02/01/2022 DHAGEYSO:- Farmaajo oo ka hadlay booqashada Qardho 10/01/2018 Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed 25/07/2020 AS oo Weerartay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS 19/11/2023 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 13/05/2022 RW Rooble oo Guddi u saaray cabashada Waalidiinta Carruurta ka maqan yihiin 12/06/2021 Masuul caawa lagu dilay Beledweyne iyo dil iyo dhaawac loo geystay kooxdii dishay 03/09/2020 Madaafiic ku dhacday garoonka diyaaradaha iyo duulimaadyadii oo istaagay 19/02/2021 Midowga Afrika oo codsaday in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waqtiga loo kordhiyo 13/05/2020 Dhageeyso Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow oo Kahadlay dad laqlqaly 31-10-2016 31/10/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.