Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 25/05/2022 Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlayo argagixisanimada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladda.Bilawga shir madaxeedkan ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba la xuso xuska aas aaska ururka midowga Afrika oo la aas aasay 25 May 1963. Waa aasaaskii ururka midowga Afrika (AU).Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ayaa daba socda shan afgambi oo Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo kiisas argagixiso ay ka dhaceen gobollo iyo dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Saaxil, Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.Kulamada ka hor, waxaa magaalada Malabo gaaray guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana qaabilay madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo.Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya labada dal.Bishii Maarso, Midowga Afrika ayaa magaalada Accra ee dalka Ghana ku qabtay Madal Milicsi oo ku saabsan Isbeddellada aan Dastuuriga ahayn ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa dib u soo cusboonaada isbeddellada aan waafaqsanayn dastuurka ee Afrika.Shirka dalalka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda ka qeyb galeysa shirkaas. Shirka Midowga Afrika oo furmaya & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: May 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Kulamo ku saabsan xiriirka dowlad gobaleedyada iyo Aqalka sare oo ka socda magaalada Baydhaba 15/11/2023 AS oo Weerartay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS 19/11/2023 Dhageyso: Ilyaas Cali Agaasimaha DDR KG Oo Kormeeray Maxkamada Gobolka Bakool. 27/12/2019 Wararkii Ugu Dambeeyay Rasaas Wali Laga Dhex-Maqlayo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir 22/01/2023 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalaada Dhuusamareeb 09/07/2020 Diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa 14/03/2022 Ciidamada cirka ee Masar iyo Suudaan ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus Wadajir ah 01/04/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 23/05/2023 Bashar al-Assad oo markii afraad loo dhaariyay xilka madaxweynaha Suuriya 18/07/2021 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 16/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.