Dagaal ka dhacay Afgooye & faah faahin laga helayo written by Warsan Radio 30/05/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay xili dambe waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye oo fariisinka ku leeyihiin Ciidamada dowladda, waxaana dagaalka sida la sheegay ka dhashay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca laba kale.Saraakiisha Amniga degmada Afgooye iyo mas’uuliyiinta Maamulka ayaan si faah faahsan uga hadlin weerarka Al-Shabaab, hayeeshee wararka saaka nasoo gaaraya ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo si caadi ah u Shaqeeynaya.Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Degmada Afgooye, iyaga oo gudaha degmadaas ka geystay dilal qorsheysan, balse Maamulka degmadaas ay sheegeen inay adkeyn doonaan Amniga Guud ee degmada si looga hortago weerarada iyo falalka ay geystaan Al-Shabaab. Dagaal ka dhacay Afgooye & faah faahin laga helayo was last modified: May 30th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo aqbalay kala diristii Ra’iisul Wasaaraha next post Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Buuhoodle You may also like SAWIRO:- Taliye Xijaar oo Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 15/11/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 01/09/2022 Wasiirka Cusub warfaafinta Oo Si Rasmi Ah Xilka Loo Magacaabay Ula Wareegay 27/10/2020 DHAGEYSO: Warka Caawa ee Idaacad Warsan 16/03/2020 Dhageyso:-ku celiska Barnaamijka Barashada Nafaqada wanagsan iyo badqabka Cunada 05/07/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/08/2022 Turkiga oo badbaadiyey Tahriibayaal 19/07/2021 Ciidan isku dhaf ah oo la geeyay Magaalada Caabudwaaq 29/10/2020 Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka arrinsaday iskaashiga Amniga 22/09/2023 Shirka Qaramada Midoobey #QM75 – Fursad ay Soomaalidu Gacan uga Geysan karto Qaabeynta Arrimaha Hortabinta leh ee Adduunka 02/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.