Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 06/06/2022 Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal Qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka sameeyay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo dhamantood kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaananda Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan Gobolada Shabeellooyinka, halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro qorsheysan. Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Turkiga oo Shuruud ku xiray in Dowladda Sweden ay ku biirto NATO next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Safiirka Qatar ee Somalia u fadhiys oo kulan laqaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka 07/07/2020 Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta 24/12/2022 Dil ka dhacay deegaanka Qalaanqalle xiisad saakay ka taagan iyo wararkii u danbeeyay deegaanka Mareergur 05/09/2020 Qaramada Midoobay oo sheegtay in malaayin qof aysan wali gaarin gargaarka bini’aadanimo ee gobolka Tigreey 03/09/2021 Beesha caalamka oo soo dhowaysay go’aanka madaxweyne Farmaajo ee qabashada shirka Dhuusomareeb 31/01/2021 Ciidanka Dowladda oo Rasaas ku joojiyay dibadbax ay horkacayeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xassan Cali Kheyre iyo CC Shakuur 19/02/2021 Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka China 17/04/2021 Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $86.7 Milyan 29/09/2022 Video:-Shirka Madaxda dowladda Goboleedka uga socda Kismaayo iyo shakiga laga qabo 09/10/2017 Madaxweynihii Sri Lanka oo dalkiisa ka cararay 13/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.