Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta written by Warsan Radio 06/06/2022 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxaa uu la kulmay safiirka wadanka liibiya ee Soomaaliya Yuusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna u qaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.Wasiir Beyle iyo labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo liibiya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa arrimaha Gobolka .Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay labada mas’uul kulankooda, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aya dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalkeeda ku aadan sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa, waxaana lagu guuleystay dalalka qaar oo ka cafiyay halka kuwo kale ay u harsan yihiin. Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab next post Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday askar dil geysatay You may also like DHAGEYSO:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 26/04/2020 Shaqo joojin ay ku dhawaaqeen duuliyayaasha diyaarada Kenya Airways 04/11/2022 DHAGEEYSO;-Warka Subax ee Radio Warsan 13/03/2020 RW Abiy Axmed oo kulan la qaatay dhigiisa Suudaan Cabdalla Xamdok 25/08/2020 Ka qeybgal tartanka ka hortagga corona kuna guuleyso $1000 28/04/2020 Turkiga oo badalay go’ankiisa Qaxootiga kaga gudba Giriiga 23/10/2022 Villa Somalia oo war kasoo saartay ujeedka safarka Farmaajo ee Eritrea 05/10/2020 Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee dalke oo dalbadey in la hakiyo doorashada golaha Soomaaliya 10/12/2021 Sii hayaha Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda “SAWIRRO” 17/09/2020 Akhriso:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya 26/05/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.