Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab written by Warsan Radio 06/06/2022 Qarax Miino ayaa waxaa lagu weeraray Kolonyo ay saarnaayeen Askar kamid ah Ciidamada booliska Kenya xilli ay marayeen duleedka Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari xaduudna la leh Soomaaliya.Ilaa 5 askari ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, waxaana askarta ay gelibanayeen Gaadiid uu saarnaa xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, iyaga oo ku sii jeeday degmada Hulugho.Warbixin kasoo baxay Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka miino ay ku dhaawacmeen mid kamid ah darawaliinta Kolonyada iyo askar kale.Sidoo kale Saraakiisha Booliska ayaa waxaa ay weerarkaas ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, iyada oo weerarkaan uu yahay weerarkii labaad oo muddo laba todobaad gudahood ah ka dhaca duleedka Magaalada Gaaris.Dhowr jeer ayaa Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weeraro qaraxyo iyo mid toos ah ka fuliyeen degaano hoostaga Magaalooyinka gaarisa iyo Mandheera wallow bilihii la soo dhaafay ay yaraadeen weerarada. Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan next post Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta You may also like IMF oo walaac ka muujisay Kororka qiimaha cuntada iyo shiiidaalka ee Afrika 29/04/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Safiirka kenya ee muddo xileedkiisa dhamaaday 07/08/2022 Shirkadda Somtel oo Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay adeeg cusub (SAWIRRO) 17/07/2020 Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saartay Iska horimaayadii shalay ka dhacay Muqdisho 20/02/2021 Raila oo qaadaya tallaabo ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya 22/08/2022 Hoggaamiyaasha Turkiga iyo Giriiga oo kawada hadlaya khilaafka u dhaxeeya 19/09/2020 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 07/05/2023 Xaaladda Isbitaalka Quddus ee Qasa oo faraha ka baxday 31/10/2023 Dhgeeyso Malaaq Deeraw oo xaqiijiyay in ergada aysoo dhamees tiren qeebtii ogu Dembeeysi Sawir kooda manta 2-11-2016 02/11/2016 Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Baydhabo Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socota Qaramada Midoobay Iyo Bangiga Adduunka 12/09/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.