In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya written by Warsan Radio 20/06/2022 Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay Axaddii in inka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalkaas, waxayna ku eedeeyeen jabhadda Oromada taasoo markii dambe beenisay.Waa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Itoobiya, iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press kadib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkii Sabtidii. “Waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan”.Goob-jooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi uu u qabo ammaankiisa, ayaa sheegay in qoomiyada Axmaarada ee deegaanka ay hadda si quus ah u raadinayeen in la raro “kahor intaysan dhicin dil wadareed kale.” Waxa uu sheegay in qowmiyadda Axmaarada ee hadda “loo laaynayo sida digaagga” ay deegankan 30 sano kahor kusoo degtay barnaamij dib u dejin ah.Labada goob-jooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay Ciidanka Xoraynta Oromada.War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda gobolka Oromia ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyagoo sheegay in maleeshiyadu ay geeysteen weerareen “ka dib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka ee dowladda Federalka. In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya was last modified: June 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maamulka G/Banaadir & laamaha Amniga oo ka shiray sugida Amniga Maalmaha Xorriyadda next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like DHAGEYSO: XILDHIBAAN CISMAAN CAATO” MOOSHIN KA DHAN AH MADAXWEYNAHA MA WADNO, DOWLADA KGS AYAAN TOOSIN RABNAA” 15/01/2017 Diyaaraddii ku burburtay Beledweyne oo la ogaaday inaanu dameer sababsan 21/07/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 24/05/2021 Dhageyso:-Tartankii Caawa oo ku soo dhamaadey 13 oo Xaafada Holwadaag ah. 12/05/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/07/2020 Sidee ayuu ku dhaqan galayaa go’aanka Maxkamadda ICJ ee kiiskii Soomaaliya iyo Kenya? 13/10/2021 Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed 01/05/2021 Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Wasaaradaha Maaliyadda oo is beddel lagu soo bandhigay 12/08/2020 Aqriso:Markabkii dunida ugu weynaa qarnigii 20aad ayaa waxaa sameeyay dalka English 10/12/2019 Daawo Sawiro Xafladii Soo Dhaweynta Farmaajo ee Soomalida ku dhaqan magaalada Phoenix arizona dalka USA, 13/02/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.