DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA written by Warsan Radio 21/06/2022 Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, waxaa lagaga wadahadlay dhowr arrimood, oo ay ku jirto xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha iyo horumarinta xiriir adag oo togan iyadoo la kordhinayo waxqabadka howlaha ay hay’adda UNFPA ka waddo dalka.Xiriirka dowladda Federaalka & Hay’adda UNFPA ayaa taasoo ka qaadanaya in la gaaro yoolalka ka baxsan gargaarka bani’aadanimo oo ah hagaajinta nolosha muwaadiniinta iyo joogtaynta shaqada ee dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo taageerada bulshada.Kulanka qaabilaadda ee Wakiilka cusub ee UNFPA waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali. DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha next post Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka You may also like MW Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub 16/08/2023 Guddoonka Golaha Shacabka oo Madaxweye Farmaajo ka dalbaday Magacaabista Ra’iisul Wasaare cusub 25/07/2020 Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada magaalada Muqdisho 19/02/2021 Akhriso:- Wasiir Xoosh “Mooshinka Jawaari 10-ka beri waxay ka bilaabataa maalinta la horgeeyo Golaha” 30/03/2018 Weerar lagu qaaday Saldhig ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka Iraq 22/10/2023 Dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan faragelin ku sameynin siyaasada gudaha Soomaaliya. 09/02/2021 RW Rooble oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay QM 24/02/2022 Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka 10/05/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 05/11/2020 Maraykanka oo dhinacyada Itoobiya ugu baaqay in ay dhaqan-geliyaan xabbad-joojinta 01/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.