Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka written by Warsan Radio 21/06/2022 Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo saameyn weyn ku yeeshay Hay’adaha kala duwan ee Maamulka puntland.Hayeeshee wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ay is-afgarad hordhac ah ka gaareen khilaafkoodii kadib markii ay dhex-dhexaadin ka dhex sameeyeen Isimada Puntland iyo qaar kamid ah Xildhibaannada.Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa ayay kaga heshiiyeen khilaafka oo intiisa badan salka ku haayay xilka qaadistii uu Axmed Karaash ku sameeay Wasiirada, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, xilligii uu Deni kujiray ololihiisii musharraxnimada ee Madaxweynaha Soomaaliya.Wararka ay Risaala heleyso ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku ballameen kulan kale si mad madowga meesha looga saaro , isla markaana la dhameystiro xal ka gaarista khilaafkooda.Khilaafka Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa ah mid waayadaan soo laab laabanayay kaas oo salka ku haaya dhanka awooda Maamulka, waxaana sidoo kale fashilmay mooshin ay Xildhibaannada qaar ka wadeen Xukuumadda Madaxweyne Deni si ay uga faa’iideystaan khilaafka kala dhaxeeya kuxigeenkiisa. Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA next post Itoobiya oo War kasoo saartay dadkii lagu dilay Galbeedka dalkaas You may also like DFS oo sheegtay in la musuqay saadkii Ciidanka DANAB & Mareykanka oo joojiyay taageeradii 26/04/2024 Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo markii saddexaad kulmaya 04/03/2021 Maxay ka wada-hadleen Cabdikariin Guuleed iyo guddoomiye Cabdi Xaashi? 22/11/2020 Xabaasha Saraakiil uu Xasuuqay Cumar Al Bashiir oo lahelay 24/07/2020 Beesha Caalamka oo ku baaqday in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo 27/11/2021 Dhageyso:-Baraamij gaar ah oo looga hadlaayo Sida loo kordhin lahaa aqoonta Beeraha iyo Habka fiican ee wax loo beerto 25/09/2020 Dhageyso:-Waxaa Maalintaa Todobaad Wali Darbiyada Fadhiya Ganacsatadii Yar Yarayd ee Ku Shaqaysan Jirtay 29/12/2016 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/08/2021 Sawiro:-Kulan Looga Hadlayey Ka Hortaga Askareynta Caruur Oo Maanta Lagu Qabatay Magaalada Baydhabo 08/09/2022 Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka 2021 03/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.