Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada written by Warsan Radio 21/06/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in Maalinta Berito oo Arbaco ah la horgeeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan kadibna uu u soo magacaabo.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble 17-kii Bishii September waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xukuumaddiisa ay soo martay marxalado kala duwan iyo khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynihii xilka baneeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo next post Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/08/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan. 24/09/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 29/07/2019 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 18/09/2022 Kiisaska Coronavirus ee Jabuuti oo kordhay 29/04/2020 Madaxweyne Deni oo mar kale ku celiyay inuu wadahadal la galayo Mucaaradkiisa 03/12/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/05/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/11/2021 Dhageyso:-Shirkadda Hubaal Traders Company oo xarun cusub ka furatay Baydhabo 23/11/2019 RW Kheyre Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Xakameynta COVID-19 21/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.