Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Kulan Yeelanaya Berri Iyo Ajandaha Oo La Shaaciyay 20/06/2022 Xasan Sheekh, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo ku horeeyay cododka wareega 1aad 08/02/2017 Gudoomiye Mursal oo sheegay inay farriin hanjabaad ah uga timid madaxweyne Maamul Goboleed 28/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacda Warsan 26/09/2020 DHAGEYSO: M/WEYNAHA KGS OO BAYDHABO DIB UGU SOO LAABTEY . 26/03/2019 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 26/12/2017 video:-waxaa maanta isbitaalka Magaalada Baydhabo ka dhacday Xaflad lagu furayay Bangiga Dhiiga 08/10/2017 Jubbaland oo sheegtay inaysan gudbin doonin guddiyada doorashooyinka 30/11/2020 Akhriso:-Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib-u-dhiska 22/08/2017 Madaxweynaha Galmudug oo kulan deg deg ah la yeeshay Golihiisa Wasiirada 08/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.