QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya written by Warsan Radio 22/06/2022 Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.Sidoo kale Adam Abdelmoula ayaa ka digay in nafaqo-xumada ba’an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin, maadaama dad badan ay saameysay abaarta kajirta dalka Soomaaliya.Meelo badan oo kamid ah koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan kajira abaar aad u adarn, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeysay abaarta. QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. You may also like Dhageyso:-Dood ku saabsan saameynta Covid-19 uu ku yeeshey Waxbarashada Dalka. 10/06/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 04/06/2020 Golaha Wasiirrada oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay 25/10/2020 Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose 18/05/2020 Akhriso:-Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo weerar afka ku qaaday Madaxda dowladda 08/07/2018 Video Deeq Rashin ah maanta Loogu Qeebiyey 150 Qoos oo ay ka Soo Barakeceen Deegnada Xoos Yimda Magalada Baydhabo 27/03/2017 Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab 06/06/2022 Mowduucyadi ugu raadiska badnaa mareegta Wikipedia ee 2023-ka 06/12/2023 Axmed Macalin Fiqi Oo Odayaasha Dhaqanka U Diray Farriin Ku Aaddan Dagaalka Al-Shabaab 02/09/2022 Akhriso:-Madaxweynaha Koofurgalbeed laftagareen oo magacaabay garsoorayaal 29/09/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.