In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo written by Warsan Radio 24/06/2022 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carruur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad bafaqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Shabaab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraahim oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 400 oo Ruux oo kamid ah dadka ay sameysay abaarta ee ka qaaday xanuuno kala duwan haatan lagu daweeynayo isbitaalka Magaalada kismaayo.Sidoo kale Feysal waxaa uu sheegay in xaaladda nafaqa darro ee heysata Carruurta kunool degaannada Gobolada Jubbooyinka ay yihiin kuwo aad u daran ayna siweyn u saameysay abaarta, sidoo kalena ay jiraan kuwo badan oo weli ka barakacaya.Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxa weli kajirta abaar daran, waxaana ay siweyn u saameysay dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Maamulka Jubbaland & Hay’adaha samafalka ay ka gaabiyeen wax u qabashadooda. In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha You may also like Closure of Horyaal24 TV and arrest of its boss heightens fear over press safety in Somaliland 08/09/2019 Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo qaabbilay Danjiraha Qadar oo booqasho sharafeed ugu tagay 14/12/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 04/08/2022 Akhriso:- Maxaa kusoo kordhay weerarkii lagu qaaday Hotelka 28/11/2022 Dhageyso:-Xildhibaan Cusmaan Caato oo si kulul uga hadlay Xariggii loo gaystay Musharax Madaxweyne Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur. 13/12/2018 Tirada dhimashada qaraxyadii Garoonka Kabul oo kordhay 27/08/2021 Maxuu RW Rooble kala hadlay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay? 17/01/2021 Ciidamada xoogga dalka oo degaano horleh kala wareegay Al-Shabaab 06/09/2023 Weerar Qaraxyo ah oo ka Dhacay Gobalka Bakool. 06/06/2020 DAAWO video MADAXWEYNE FARMAAJO OO AAD UGU FARXAY QAABKII AY SHACABKA BAYDHABO USOO DHAWEEYEEN 23/04/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.