Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan written by Warsan Radio 25/06/2022 Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban.Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto. Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa 13/03/2022 Qarax aan hore loo arag oo ka dhacay Muqdisho & Dad isku Qoys ahaa oo ku dhintay. 25/03/2020 Dab khasaaro geystay oo ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso 14/06/2021 Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Kor Meerey Xarunta Dhexe ee Hawada . 09/05/2018 Hay’adda UNICEF oo war kasoo saartay labo kamid ah shaqaalaheeda oo Muqdisho lagu dilay 28/10/2020 Dadaalo lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble oo markale ka bilowday Muqdisho 21/09/2021 Eedaysane la sheegay in degmada Guriceel uu ku dilay Ganacsade oo gacanta lagu dhigay 14/11/2023 Madaxweyne Biden Oo Ruushka U Diray Digniin La Xiriirta Dagaalka Ka Socda Ukraine 17/09/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka ee Idaacaada Warsan 02/06/2022 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 17/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.