Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab written by Warsan Radio 25/06/2022 Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari bas iyo mid tax ah oo marayay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana ay dadkii saarnaa ay ka baareen in ay ku jiraan dad aan Soomaali aheyn oo u dhashay gobolada kale ee dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Kenya.Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Lag Barich oo u dhexeeya Magaalada Dabacity iyo Buurta Dimu ee xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.Baska ayaa rakaab ka soo qaaday Nairobi kuna sii jeeday Mandheera ayaa rag aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay joojiyeen ka dibna ay baaris dadka ku bilaabeen sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah darawadalada.Goob joogayaal ayaa sheegay inay raadinayaan Shabaab dad aan deegaanka u dhalan. Waxay ku amreen dhammaan rakaabkii inay ka soo degaan baska, waxayna raadinayeen dadka aan deegaanka u dhalan wax ka badan laba saacadood ayay wareysanaayeen dhammaan rakaabkii saarnaa gaariga.Goob joogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah ay baarayeen rakaabka, qaar kalena lagu arkay kaymo ku dhow wadada weyn ee B9.Ma jirto cid wax ku noqotay howlgalka, maadaama aysan jirin cid aan deegaanka u dhalan. Waxaana gaadiidleyda ay sheegeen in aysan qaadi Karin dad aan u dhalan degaanada Soomaalida, maadaama ay Shabaab beegsanayaan. Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post QM oo mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya next post Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan You may also like Galmudug & Puntland oo shir ka yeeshay Amniga Gaalkacyo 21/06/2022 Madaxweynaha Uganda Museveni oo hoggaanka u haya tirinta codadka doorashada Madaxweynaha 15/01/2021 Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo ku dhintey qarax gaarigiisa loogu xirey 01/01/2021 Laamaha Amniga oo soo bandhigay haweeney ku eedeysan dilka Wiil uu dhalay Ninkeeda 14/05/2023 Dhageyso wareysi xasaasi ah oo aanu la yeelanay Dr Cali Baaba Hotelka Laga soo saaray 31/07/2018 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 19/02/2022 Pentagonka Mareykanka oo sameeyey qirasho ku saabsan duqeyn wy ka geesteen Somalia 29/07/2020 SAWIRRO:Radio warsan oo abaal marino gudoonsiisey xaafadihi ku guleystay tartankii bishii ramadaan 25/11/2022 Kulan deg deg ah oo la iskugu yeeray Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Somaliya 09/06/2020 DHAGEYSO:-Warka Subax ee Radio Warsan 05-03-2020 05/03/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.