QM oo mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya written by Warsan Radio 25/06/2022 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah iyo mid nololeed si looga hortago macluusha loogana jawaabo abaarta Soomaaliya marka la gaaro bisha December.Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee sii kordhaya ay sii kordhinayaan in dalka uu qarka u fuulo macaluul.“Ku dhawaad boqolkiiba 50 dadka 7.7 milyan oo qof waxay u baahan yihiin nooc ka mid ah gargaar bini’aadantinimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah lagu qiyaasay inay abaartu saamaysay,” OCHA ayaa ku sheegtay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.“Abaartu waxay baabi’isay nolosha dadka ugu nugul, iyo dadka la haybsooco, oo ay ku jiraan haweenka, carruurta iyo beelaha laga tirada badan yahay, nafaqo-xumada ba’an ee carruurta ayaa sii kordheysa.” ayaa lagu yiri warbixinta.Afar roobab oo is xigxigay oo la waayay ayaa sababay abaartii ugu darneyd ee dalka soo marta muddo 40 sano ah, waxaana malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin macluushii ugu darneyd. QM oo mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Villa Soomaaliya oo beenisay in Madaxweyne Xasan Sheekh tagay Israel next post Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab You may also like Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 19/06/2021 DHAGEYSO: Warka Caawa ee Idaacada Warsan 28/03/2020 Xoghayihii 5-maalmood ka hor la magacaabay ee xafiiska Raisal Wasaaraha oo xilkii laga qaaday 01/08/2020 Wasaaradda Amniga oo NISA ka dalbatay soo gudbinta sababta loo xiray Muqtaar Roobow 28/12/2021 Farmaajo oo ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo dagaalka Boosaaso 23/12/2021 AKHRISO:-Dagaalka Mosul OO loo isticmaalay Sunta Kiimikada 05/03/2017 Duqayn lagu dilay Xubno ka tirsan Alsbabaab 27/08/2023 Dhageyso: Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 02/02/2023 Dil saaka lagu fuliyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo dilal & qaraxyo geystay 31/10/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.