Ra’iisul Wasaare Xamse’ Waa in laga garaabo Goonni isku taaga Somaliland” written by Warsan Radio 26/06/2022 Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhamaystirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayaa wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale xoogga saari doonto sidii Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wada hadli lahaayeen.Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu raiisul wasaaruhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga garaabo goonni isu taagga Somaliland.“Arrinta waan go’nay iskama imaan, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray. Mashaakilaadkaas in la taabto oo si dhab ah loo wada hadlo oo walaaltinnimo ah, oo ehelnimo ah ayaan dooneynaa,” ayuu yiri.Wuxuu xusay in loo baahan yahay in la wada yeesho wixii adeeg ah ee la jira dowladda federaalka ee dhaqaalaha la wada lahaa ah.“Siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo fara badan oo la wadaago, marka in waxaas si walaaltinnimo ah loo wadaago iyo in dowladda federaalka ay mar walba fududeyso waxa u baahna fududeynta, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.Waxaa kale oo uu intaas ku daray in marka hore loo baahan yahay in la dhiso kalsooni kahor inta aan laga fekerin dhanka farsamada ee wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.Waxaa laga joogaa 31 sano markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamse’ Waa in laga garaabo Goonni isku taaga Somaliland” was last modified: June 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta next post Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay in uu wada-hadallo la galayo Xisbiyada mucaaradka You may also like Dhageyso Wasiir Ku xigeenka wasaarada Amniga ayaa waxaa uu ka hadey Ciidamada Amniga KGS. 06/07/2017 Kenya & Cuba oo ka wada hadlay dhaqaatiirta u afduuban Al-Shabaab 04/07/2022 Security Council Press Statement on Somalia 06/01/2019 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay magaalada Abu Dhabi 27/02/2018 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/10/2020 Dhageyso+Sawiro:-Beeraleyda magaalada Baydhabo oo maata Siminaar loo soo xiray 24/12/2020 DFS Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Warbixintii Global Initiative 08/07/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 27/12/2023 Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha 10-Aad Ee Somalia Oo La Shaaciyay 05/05/2022 Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Kulmay Ku-Xigeenka Safiirka Talyaaniga Ee Soomaaliya “SAWIRRO” 08/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.