Baydhabo-{WMN} Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Cuba Bruno Rodriguez Parrilla oo ku booqday aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi.
Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Kenyatta iyo Mr. Parrilla waxa ay ka wadahadleen arrimo badan oo muhiim u ah Kenya iyo Cuba oo ay ka mid tahay sidii si nabad ah loogu soo celin lahaa dhakhaatiirtii Cuba u dhalatay ee ay Al-Shabaab ku qafaasheen gudaha Kenya sanadkii 2019-ka.
Madaxweyne Kenyatta ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay xaqiijinta sii deynta dhakhaatiirta Cuba ee lagu haysto Soomaaliya.
Madaxweyne Uhuru ayaa, isaga oo ka mahadcelinaya taageerada Cuba ee tababarka dhakhaatiirta Kenya, ayaa wuxuu ku celiyay in Kenya ay qiimeyso iskaashiga ay la leedahay qaranka
“Waxaan rabaa oo kaliya inaan sheego inaan qiimeynay taageeradaada, waxaana ku celineynaa in Cuba ay saaxiib dhab ah ku leedahay Kenya. Waxaan mar walba idinla garab istaagi doonnaa midnimo dhinac kasta oo dhinacyo badan leh,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.
Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa aad uga walaacsan afduubta muddo ka badan Afar Sano ay Al-Shabaab u heystaan dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba ee ka howlgalayay Gudaha dalka Kenya.