laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay maandooriye & Dhalinyaro ku eedeeysan Amni darro written by Warsan Radio 29/06/2022 Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Waliyow-cadde ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Hodan, halkaas oo ay kusoo kordheen kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya.Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar iyo Goobaha Ganacsiga, iyaga oo kusoo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, sida Xashiis iuo calaq oo aad u farabadan iyo Dhalinyaro lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin falalka Amni darro ee ka dhaca degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle iyo taliyaha qeybta Waliyow-cadde oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha maanka dooriya oo ay howlgalka kusoo qabteyn ay qeyb ka ahaayeen Amni darrada kajirta Magaalada Muqdisho.Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Caasimadda, iyaga oo digniin u diray dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan. laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay maandooriye & Dhalinyaro ku eedeeysan Amni darro was last modified: June 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Kooxda Xamaas oo soo bandhigay muuqaalka Askari Israa’iil ah oo ay qabteen next post Madaxtooyadda oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka caafimaaday COVID-19 You may also like Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 03/07/2023 Dowladda Turkiga oo kordhiyay xannibaada diyaaradaha Ruushka ee isticmaala hawadeeda 12/05/2022 Madaxweynaha Koonfur galbeed oo guddi gaar ah u magacaabay dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood 04/10/2021 Daawo Bananbax Lagu Taagyeereyo Mukhtaar Roobow oo Afgooye Ka Dhacay DFS Baaq Loogu Direy in Faraha 15/11/2018 Turkiga oo badbaadiyey Tahriibayaal 19/07/2021 Xaafada Cadaada A oo caawa 10 dhibcood looga adkaadey. 25/03/2023 Taliska ciidanka Booliska Baydhabo oo Amaro soo saaray 04/05/2020 Trump oo lagu waayay dacwad ah inuu ka dambeeyay weerarkii Aqalka Kongreska 14/02/2021 Soomaaliya oo qeyb ka noqoneysa Sharciyadda Caalammiga ah ee la Dagaallanka Musuq-maasuqa 14/08/2021 Dhageyso+Sawiro- dood ku saabsan dib u dhiska wadooyinka Baydhabo. 06/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.