Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like NISA oo qabatay Gaadiid la sheegay inuu qalab u siday AS & Rag la socday 28/12/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/11/2021 Maxkamadda ICJ oo ku dhawaaqday go’aankeeda ku aaddan dacwadda badda 13/10/2021 DHAGEYSO:- Barnaamijka Kulanka Warsan Radio. 24/10/2022 Kuuriyada Waqooyi oo soo Bandhigtay Maraakiibta ku howlgala hubka Nukliyeerka 08/09/2023 Guddiyada doorashada oo dacwad culus u gudbiyey Rooble iyo Maamul Goboleedyada 20/12/2021 Maxkamada ICJ oo mar kale maanta bilaabaysa dhegaysiga dacwada Kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya 15/03/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/07/2021 Akhriso:-Saraakiil tirsan hay’adda Nabad-sugida oo shaqadii laga joojiyay 16/07/2018 Madaxda ugu sarreysa Maamulka Puntland oo Heshiis gaaray 19/12/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.