Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Dhageyso:-Dhoofinta Dhuxusha oo si Xowli ah ugu socota Kismaayo iyo Ciidamada Jubbaland oo Xirey Hotel ku yaala kismaayo 23/08/2018 Wasaaradda Caafimaadka oo Galmudug Ka Diiwaan Gelisay Kiisaskii Ugu Badanaa Covid-19 31/05/2020 QM oo soo dhoweysay in Kenya ay ciidamo u dirto Haiti 01/08/2023 AKHRISO:-Danjire Keating oo la kulmay Madaxweynaha Puntland iyo Isimada Puntland 25/07/2018 Xisbiyada Somaliland oo ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Farmaajo 08/06/2020 Faah faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gobolka Hiiraan 16/01/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 30/10/2021 Gudoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho kusoo wajahan 15/05/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/01/2021 Maraykanka oo xadidaya duqeymaha diyaaradaha Drone ee Caalamka 06/03/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.