Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Wasaarada Caafimaadka DF oo shaacisay Sahan ay ka sameysay meelo ay ku jirto Somaliland 25/08/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 24/09/2021 Madaxweynaha Somaliland oo xilka qaadis iyo Magacaabis sameeyay 10/11/2021 Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo cambaareeyey weerarkii Kabul 27/08/2021 DHAGEYSO: GUDOOMIYAHA DHALINYARADA BAYDHABO OO KA WARBIXIYEY QAAB DHISMEDKA GOLAHA DHALINYARADA BAYDHABO 23/04/2018 Madaxweynihii hore ee dalka Gambia oo la Maxkamadeynayo 27/05/2022 Akhriso:-Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay qalab loo isticmaalo duulista hawada oo ay leedahay hay’ada ICAO 16/05/2017 DHAGEYSO:-MOOSHINKA LAGU KALA ARAGTI DUWAN YAHAY EE SHARIIF XASAN LAGA WADO XAGUU SALKA KU HAAYAA 05/11/2017 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 06/01/2020 video Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo ka hadlay Waxyaabahii lagu Heshiiyay 11/05/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.