Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/02/2022 dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 13/12/2023 Trump oo ku dhawaaqey in ay xiriirka u jareen Hay’adda WHO 30/05/2020 Guddi ka socda UN-ka oo Muqdisho ka bilaabay baaritaanka xaquuqda Aadanaha 29/03/2022 Taliska Booliska oo Mamnuucay in Dibadbax laga dhigo Magaalada Muqdisho 03/03/2024 Dhageyso:-Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 21/08/2021 Soomaaliya iyo Rwanda oo isku furaya Albaabada ganacsiga 08/02/2020 Sawiro;-Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiiro Cusub 12/10/2022 Madaxweynaha Puntland oo ku eedeyay DFS in ay hurinayso colaado ka dhaca Somaliland. 25/05/2020 Madaxweyne Xasan: Ciidanka jira Eritrea bisha ayey soo laaban doonaan 20/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.