Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like SAWIRO: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Maanta Xariga Ka Jarey Buundo Cusub Oo Laga Hergaliyey Wadada Soddonka 14/11/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/09/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Bulshada gaar ahaan Haweenka 26/08/2020 Doorashada kursiga Hop#058 oo ka bilaabatay Beledweyne 28/03/2022 Madaxweynaha Somaliland oo si kulul uga hadlay dagaalka Laas-Caanood 16/02/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 20/07/2020 Dhageyso:-Qeybta 6 ee Barnaamijka Wax soo saarka 13/11/2021 Dib U Dhac Markale U Yimid Shirka Sanadlaha Ee Machadka Hiratage Ee Garoowe 30/12/2020 Qaramada Midoobay: 244 kufsi ayaa sanadkii tagay ee 2019 ka dhacay Soomaaliya 20/06/2020 Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Ururada Siyaasadda iyo Bulshada Rayidka (Sawiro) 24/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.