Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka Dooday Akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Howlgabka 02/09/2023 RW Xamse oo Xafiikiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika 26/03/2024 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/04/2021 Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo ku geeriyooday Garoowe 30/12/2020 VIVDEO Ardada Wax Ka Barata Jaamacada Muqdisho Universty Ayaa Deeq Raashiin Ah U qeybiyey qoysas Dan yar 11/04/2017 Maamulka Gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay weerarkii Carruurta ay ku dhinteen 02/12/2021 Vibeo:-GABAY AfMAAY OO LAGU CANAANTEY QASWADAYAASHA HORMARKA DEGAANKA KGS 07/09/2017 Rooble oo shaaciyay wixii uu kala hadlay dowladda Imaaraatka Carabta 23/05/2022 Puntland oo howlgal ku qabatay rag lagu tuhmayo Al-Shabaab & Daacish 02/11/2022 UNICEF oo Sheegtay in Macluul ay ka dhallan karto Abaarta ka jirta Soomaaliya. 19/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.