Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Faransiiska iyo QM oo qabanaya shir qaadhaan loogu gurayo Magaalada Beyruut 09/08/2020 Turkiga oo dhoolatus militari sameenaya iyo Masar & Giriiga oo dhaq-dhaqaaq wada 29/08/2020 Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahin laga helayo. 21/12/2022 Ceelwaaq oo Goordhow lagu doortay Kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka 22/04/2022 Guddoomiyaha Aqalka sare oo furay kulan Aqoon-isweydaarsi ah+Sawirro 28/09/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 28/11/2018 Madaxweynihii Hore Ee Dalka Zambia Oo La Dhigay Isbitaal 14/06/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 31/01/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/12/2020 Hay’adda Save The Children” Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya cunno yari”. 12/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.